< السورة السابقة | فهرس السور | السورة التالية >



حدد حجم خط الآيات
()


بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ عَمَّ يَتَسَآءَلُونَ ۝١

Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu).

عَنِ ٱلنَّبَإِ ٱلْعَظِيمِ ۝٢

Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka).

ٱلَّذِى هُمْ فِيهِ مُخْتَلِفُونَ ۝۳

Ay isku diiddanaayeen.

كَلَّا سَيَعْلَمُونَ ۝٤

Saas ma aha ee way ogaan donaan.

ثُمَّ كَلَّا سَيَعْلَمُونَ ۝٥

Haddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca).

أَلَمْ نَجْعَلِ ٱلْأَرْضَ مِهَٰدًۭا ۝٦

Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin.

وَٱلْجِبَالَ أَوْتَادًۭا ۝۷

Buurahana Rukummo (ka yeelin).

وَخَلَقْنَٰكُمْ أَزْوَٰجًۭا ۝۸

Miyannaan idinka Abuurina Noocyo.

وَجَعَلْنَا نَوْمَكُمْ سُبَاتًۭا ۝۹

Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin.

وَجَعَلْنَا ٱلَّيْلَ لِبَاسًۭا ۝١۰

Miyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin.

وَجَعَلْنَا ٱلنَّهَارَ مَعَاشًۭا ۝١١

Miyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin.

وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعًۭا شِدَادًۭا ۝١٢

Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh.

وَجَعَلْنَا سِرَاجًۭا وَهَّاجًۭا ۝١۳

Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda).

وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلْمُعْصِرَٰتِ مَآءًۭ ثَجَّاجًۭا ۝١٤

Waxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan.

لِّنُخْرِجَ بِهِۦ حَبًّۭا وَنَبَاتًۭا ۝١٥

Si aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq.

وَجَنَّٰتٍ أَلْفَافًا ۝١٦

Iyo Beero kulansan (badan).

إِنَّ يَوْمَ ٱلْفَصْلِ كَانَ مِيقَٰتًۭا ۝١۷

Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go'an.

يَوْمَ يُنفَخُ فِى ٱلصُّورِ فَتَأْتُونَ أَفْوَاجًۭا ۝١۸

Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo.

وَفُتِحَتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتْ أَبْوَٰبًۭا ۝١۹

Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo.

وَسُيِّرَتِ ٱلْجِبَالُ فَكَانَتْ سَرَابًا ۝٢۰

Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed.

إِنَّ جَهَنَّمَ كَانَتْ مِرْصَادًۭا ۝٢١

Naarta Jahannamana waxay u darbantahay.

لِّلطَّٰغِينَ مَـَٔابًۭا ۝٢٢

(Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan.

لَّٰبِثِينَ فِيهَآ أَحْقَابًۭا ۝٢۳

Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin.

لَّا يَذُوقُونَ فِيهَا بَرْدًۭا وَلَا شَرَابًا ۝٢٤

Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna.

إِلَّا حَمِيمًۭا وَغَسَّاقًۭا ۝٢٥

Waxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka).

جَزَآءًۭ وِفَاقًا ۝٢٦

Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii.

إِنَّهُمْ كَانُوا۟ لَا يَرْجُونَ حِسَابًۭا ۝٢۷

Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab.

وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا كِذَّابًۭا ۝٢۸

Waxayna beeniyeen Aayaadkannaga.

وَكُلَّ شَىْءٍ أَحْصَيْنَٰهُ كِتَٰبًۭا ۝٢۹

Wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab.

فَذُوقُوا۟ فَلَن نَّزِيدَكُمْ إِلَّا عَذَابًا ۝۳۰

Ee dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee.

إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ مَفَازًا ۝۳١

Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan.

حَدَآئِقَ وَأَعْنَٰبًۭا ۝۳٢

Beero iyo Cinabyana way heli.

وَكَوَاعِبَ أَتْرَابًۭا ۝۳۳

Waxayna Guursan Haween da'yar oo isle eg.

وَكَأْسًۭا دِهَاقًۭا ۝۳٤

Waxayna heli Cabbid wanaagsan.

لَّا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًۭا وَلَا كِذَّٰبًۭا ۝۳٥

Jannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la'aan ah iyo is beenin midna.

جَزَآءًۭ مِّن رَّبِّكَ عَطَآءً حِسَابًۭا ۝۳٦

Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan.

رَّبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ٱلرَّحْمَٰنِ ۖ لَا يَمْلِكُونَ مِنْهُ خِطَابًۭا ۝۳۷

Eebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada).

يَوْمَ يَقُومُ ٱلرُّوحُ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ صَفًّۭا ۖ لَّا يَتَكَلَّمُونَ إِلَّا مَنْ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحْمَٰنُ وَقَالَ صَوَابًۭا ۝۳۸

Maalinta Jibriil iyo Malaa'igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla.

ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمُ ٱلْحَقُّ ۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ مَـَٔابًا ۝۳۹

Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto.

إِنَّآ أَنذَرْنَٰكُمْ عَذَابًۭا قَرِيبًۭا يَوْمَ يَنظُرُ ٱلْمَرْءُ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ وَيَقُولُ ٱلْكَافِرُ يَٰلَيْتَنِى كُنتُ تُرَٰبًۢا ۝٤۰

Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo.