< السورة السابقة | فهرس السور | السورة التالية >



حدد حجم خط الآيات
()


بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٱلْحَآقَّةُ ۝١

Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan).

مَا ٱلْحَآقَّةُ ۝٢

Xaaqo maxay tahay.

وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْحَآقَّةُ ۝۳

inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada.

كَذَّبَتْ ثَمُودُ وَعَادٌۢ بِٱلْقَارِعَةِ ۝٤

Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada.

فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهْلِكُوا۟ بِٱلطَّاغِيَةِ ۝٥

Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran.

وَأَمَّا عَادٌۭ فَأُهْلِكُوا۟ بِرِيحٍۢ صَرْصَرٍ عَاتِيَةٍۢ ۝٦

Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow.

سَخَّرَهَا عَلَيْهِمْ سَبْعَ لَيَالٍۢ وَثَمَٰنِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومًۭا فَتَرَى ٱلْقَوْمَ فِيهَا صَرْعَىٰ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ خَاوِيَةٍۢ ۝۷

oo lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay).

فَهَلْ تَرَىٰ لَهُم مِّنۢ بَاقِيَةٍۢ ۝۸

wax ka hadhay miyaad aragtaa.

وَجَآءَ فِرْعَوْنُ وَمَن قَبْلَهُۥ وَٱلْمُؤْتَفِكَٰتُ بِٱلْخَاطِئَةِ ۝۹

Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi).

فَعَصَوْا۟ رَسُولَ رَبِّهِمْ فَأَخَذَهُمْ أَخْذَةًۭ رَّابِيَةً ۝١۰

Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay.

إِنَّا لَمَّا طَغَا ٱلْمَآءُ حَمَلْنَٰكُمْ فِى ٱلْجَارِيَةِ ۝١١

Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii.

لِنَجْعَلَهَا لَكُمْ تَذْكِرَةًۭ وَتَعِيَهَآ أُذُنٌۭ وَٰعِيَةٌۭ ۝١٢

si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha.

فَإِذَا نُفِخَ فِى ٱلصُّورِ نَفْخَةٌۭ وَٰحِدَةٌۭ ۝١۳

Marka Suurka la afuufo hal mar.

وَحُمِلَتِ ٱلْأَرْضُ وَٱلْجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةًۭ وَٰحِدَةًۭ ۝١٤

Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar.

فَيَوْمَئِذٍۢ وَقَعَتِ ٱلْوَاقِعَةُ ۝١٥

Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa.

وَٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَهِىَ يَوْمَئِذٍۢ وَاهِيَةٌۭ ۝١٦

Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan.

وَٱلْمَلَكُ عَلَىٰٓ أَرْجَآئِهَا ۚ وَيَحْمِلُ عَرْشَ رَبِّكَ فَوْقَهُمْ يَوْمَئِذٍۢ ثَمَٰنِيَةٌۭ ۝١۷

Malaa'igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag.

يَوْمَئِذٍۢ تُعْرَضُونَ لَا تَخْفَىٰ مِنكُمْ خَافِيَةٌۭ ۝١۸

Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro.

فَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ فَيَقُولُ هَآؤُمُ ٱقْرَءُوا۟ كِتَٰبِيَهْ ۝١۹

Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga.

إِنِّى ظَنَنتُ أَنِّى مُلَٰقٍ حِسَابِيَهْ ۝٢۰

Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda.

فَهُوَ فِى عِيشَةٍۢ رَّاضِيَةٍۢ ۝٢١

wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay.

فِى جَنَّةٍ عَالِيَةٍۢ ۝٢٢

Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa.

قُطُوفُهَا دَانِيَةٌۭ ۝٢۳

Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran).

كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَآ أَسْلَفْتُمْ فِى ٱلْأَيَّامِ ٱلْخَالِيَةِ ۝٢٤

Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii).

وَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَٰبَهُۥ بِشِمَالِهِۦ فَيَقُولُ يَٰلَيْتَنِى لَمْ أُوتَ كِتَٰبِيَهْ ۝٢٥

Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba'ee maan la i siinin Kitaabkayga.

وَلَمْ أَدْرِ مَا حِسَابِيَهْ ۝٢٦

Xisaabtaydana maanan ogaanin.

يَٰلَيْتَهَا كَانَتِ ٱلْقَاضِيَةَ ۝٢۷

Magaacayba'ee maxaan u soo noolaaday.

مَآ أَغْنَىٰ عَنِّى مَالِيَهْ ۜ ۝٢۸

Xoolahaygi wax iima tarin.

هَلَكَ عَنِّى سُلْطَٰنِيَهْ ۝٢۹

Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii).

خُذُوهُ فَغُلُّوهُ ۝۳۰

Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira.

ثُمَّ ٱلْجَحِيمَ صَلُّوهُ ۝۳١

Naarta Jahannamada geliya.

ثُمَّ فِى سِلْسِلَةٍۢ ذَرْعُهَا سَبْعُونَ ذِرَاعًۭا فَٱسْلُكُوهُ ۝۳٢

Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah.

إِنَّهُۥ كَانَ لَا يُؤْمِنُ بِٱللَّهِ ٱلْعَظِيمِ ۝۳۳

maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn.

وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ ۝۳٤

aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo.

فَلَيْسَ لَهُ ٱلْيَوْمَ هَٰهُنَا حَمِيمٌۭ ۝۳٥

Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib.

وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنْ غِسْلِينٍۢ ۝۳٦

Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka».

لَّا يَأْكُلُهُۥٓ إِلَّا ٱلْخَٰطِـُٔونَ ۝۳۷

Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada).

فَلَآ أُقْسِمُ بِمَا تُبْصِرُونَ ۝۳۸

Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah).

وَمَا لَا تُبْصِرُونَ ۝۳۹

iyo waxaydaan arkayninba.

إِنَّهُۥ لَقَوْلُ رَسُولٍۢ كَرِيمٍۢ ۝٤۰

ee Qur'aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh.

وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَاعِرٍۢ ۚ قَلِيلًۭا مَّا تُؤْمِنُونَ ۝٤١

Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa).

وَلَا بِقَوْلِ كَاهِنٍۢ ۚ قَلِيلًۭا مَّا تَذَكَّرُونَ ۝٤٢

Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan.

تَنزِيلٌۭ مِّن رَّبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ ۝٤۳

(Qur'aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka.

وَلَوْ تَقَوَّلَ عَلَيْنَا بَعْضَ ٱلْأَقَاوِيلِ ۝٤٤

Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed).

لَأَخَذْنَا مِنْهُ بِٱلْيَمِينِ ۝٤٥

Waxaanu ku qaban gacan adag.

ثُمَّ لَقَطَعْنَا مِنْهُ ٱلْوَتِينَ ۝٤٦

Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha.

فَمَا مِنكُم مِّنْ أَحَدٍ عَنْهُ حَٰجِزِينَ ۝٤۷

Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro.

وَإِنَّهُۥ لَتَذْكِرَةٌۭ لِّلْمُتَّقِينَ ۝٤۸

Qur'aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada.

وَإِنَّا لَنَعْلَمُ أَنَّ مِنكُم مُّكَذِّبِينَ ۝٤۹

Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur'aanka).

وَإِنَّهُۥ لَحَسْرَةٌ عَلَى ٱلْكَٰفِرِينَ ۝٥۰

Qur'aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame).

وَإِنَّهُۥ لَحَقُّ ٱلْيَقِينِ ۝٥١

Qur'aanka waa run dhab ah.

فَسَبِّحْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلْعَظِيمِ ۝٥٢

Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn.